Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto, wuxuuna isku dayay inuu kala qeybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leegada laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey, waxaana dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah Madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952-kii. Halkani waa taalada dhagaxtuur Muqdisho